JASIIRADA SACAADA-DIIN

Jasiirada sacaadadiin waxay ku Taala magaalo xeebedka Taariikhda weynle ee Saylac ee gobolka salal.
Sacaadadiin waxa uu ahaa wiil uu dhalay mid ka mid ah boqoradii Saylac soo xukumi jiray xilligii dawladdii Islaamka ee Cusmaaniyiintu ay halkaas ka talin jirtay oo isagu laftiisu boqor ka noqday Saylac, waxaana la sheegay in goobtaas lagu dilay ninkaas.


Jasiirado tiro badan ayaa iyaguna ku yaalla agagaarka jasiiradaas, waxaanay jasiiradahaasi ku xeeran yihiin xuduuda gobolka Salal, jasiiradahaas ayaa waxay waqooyi ilaa waqooyi galbeed kaga beegan yihiin magaalooyinka Saylac, Tokhoshi iyo Lawya-caddo, waxaanay qayb ka yihiin jasiiradaha tirada badan eek u taxan bari ilaa galbeed, balse gobolka Salal ayay jasiiradiisu kaga duwan yihiin dhinaca balaca oo aad u weyn iyo iyaga oo ah tirada ugu badan ee hal gobol ku wada taalla.


Marka aad gaadho Sacaadadiin waxaad arkaysaa wax ka duwan fikradii hore ee aad ka haysatay, waxaad dhexgalaysaa mawjado naxariis ah, baalla-daymoodka awgii ishaadu kama daalayso jaleecada, iyadoo jihada aad eegtaba aad ku dheygagayso dabeecada la yaabka leh ee quruxda badan ee Illaahay ku manaystay jasiirada Sacaadadiin.
Jasiiradda sacaadadiin waxa dhexmara gacan sida webiga ah, waxaana hareeraha kaga teedsan dhir fara badan oo aad u cagaaran, kuwaasoo la sheegay in siidhkooda dibadda laga keenay, isla markaana ay beereen dawladdihii ka horeeyay Ingiriiska ee halkaas xukumi jiray boqolaal sanno ka hor.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *